Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Sawirro: Isbitaalka uu Shiinaha ku dhisay muddo 8 maalin ah

Sawirro: Isbitaalka uu Shiinaha ku dhisay muddo 8 maalin ah

Himilo – Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in la soo gabagabeeyay dhismaha isbitaal deg deg ah oo lagu dhisay muddo 8 maalin gudaheed ah si loola tacaalo caabuqa Coronavirus ee ka dillaacay Shiinaha.

Warbaahinta Shiinaha ayaa caddeysay in dhismaha isbitaalka Shanshan oo ka kooban 1000 sariir la soo gabagabeeyay iyada oo immika uu qaabili karo bukaanada qaba caabuqa sida fudud laysugu gudbiyo.

Dhismaha isbitaalka oo ka kooban labo qeybood ayaa laga sameeyay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha kaddib markii uu ka dillaacay caabuqa Coronavirus oo ay ku sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka xaalad deg deg oo caalami ah.

Sida la soo wariyay, injineero badan ayuu Shiinaha isugu geeyay dhismaha isbitaalka si loo dadejiyo taasi oo xadeyn karta fiditaanka caabuqa ee magaalada.

Illaa iyo immika, inka badan 300 qofood ayaa u dhintay caabuqa halka 14000 qofood laga helay xannuunka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan