Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Dhaqaale / Jabaan oo kor u qaadaysa da’da shaqaalaha ku noqonayaan howlgab

Jabaan oo kor u qaadaysa da’da shaqaalaha ku noqonayaan howlgab

Himilo – Golaha wasiirada Jabaan oo uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Shinzō Abe ayaa ansixiyay sharci ku qasbaya shirkadaha in shaqaalaha shaqeyn karaan illaa da’da 70-ka sanno.

Tallaabadan ayaa looga dan leeyahay in looga hortago shaqaale yarida dalka iyada oo la buuxinayo baahida xagga kharashaadka ah ee bulshada Jabaan oo badankeed ah dad gaaray da’ fog.

Xukuumadda ayaa ka dalbanaysa shirkadaha inay doortaan dhowr go’aan oo horyaalla kuna saabsan shaqada shaqaalaha; waxaa kamid ah mid shaqaalaha lagu siinayo fursad ay ku sii shaqeyn karaan illaa da’da 70-ka sida ay qortay wakaalada Kyodo.

Tokiyo ayaa rajeynaysa in la dhaqan geliyo sharciga howlgabka cusub ee dalka laga billaabo bisha April ee soo socota.

Jabaan ayaa wajaheysa culeys xagga awoodda shaqeysa ah sabab la xiriirta iyada oo dalka ay ku bateen dadka gaaray da’da fog ee howlgabka noqonaya.

Marka la gaaro sannadka 2060-ka, tirada dadka 65 jirka ayaa noqonaysa 40% shacabka dalkaasi sida laga soo xigtay machadka qaranka ee tirakoobyadda Jabaan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan