Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Haweenka / 6 Febraayo- Maalinta caalamiga ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka fircooniga

6 Febraayo- Maalinta caalamiga ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka fircooniga

Himilo – Gudniinka fircooniga waa dhaawaca loo geysto xubinta taranka haweenka sababo aan la xiriirin caafimad, waxaana loo arkaa xadgudub ka dhan ah xuquuqda gabdhaha iyo haweenka.

Caadadan waxay ka tarjumeysaa sida loogu xadgudbo xuquuqda haweenka sida tan caafimaadka iyo midda jirreed iyadoo lagula kacayo tacaddi aanan laheyn wax qiil ah.

Inkasta oo gudniinka fircooniga laga sameeyo 30 dal oo ku yaalla Afrika iyo bariga dhexe haddana caadadan waa dhibaato caalami ah, waxaana laga soo diiwaan geliyay dalal kale oo dhaca Asia iyo Latin Ameerika. Waxa kale oo la soo wariyay in caadadan laga helo dadka qaxootiga ah ee ku nool Yurub, Waqooyiga Ameerika, Australia iyo New Zealand.

Si loo dhiiro geliyo cirib-tirka gudniinka fircooniga, waa in la helo dadaallo iyo hannaan abaabulan kaasi oo la tacaamula bulshooyinka islamarkaana xoogga saara xuquuqda aadanaha.

Ka go’naansho siyaasadeed oo ka yimaada dowladaha iyo kuwa dejiya siyaasadaha ayaa muhiim ah si dadaallada loogu tarjumo xaqiiqooyin iyo tallaabooyin horseeda in gudniinka fircooniga noqdo mid aan loo heyn wax dulqaad ah.

Hay’adaha Qaramada midoobay ee UNFPA iyo UNICEF ayaa hoggaaminaya barnaamij lagu dardar gelinayo cirib-tirka gudniinka fircooniga ah. Waxa uu barnaamijkan xoogga saarayaa 17 dal oo ku yaalla Afrika iyo bariga dhexe isaga oo taageeraya dadaallada heer caalami iyo gobal.

Maanta oo kale, waxaa looga dan leeyahay in lagu iftiimiyo khatarta gudniinka fircooniga, sida uu u yahay xadgudub aan loo dulqaadan karin si looga hortago dhammaan rabshadaha ka dhanka ah haweenka.

Waxay dunida qirsan tahay in isbadal laga sameeyay kahortaga caadadan ku baahsan dalal badan hase ahaatee waxaa tiro yar ah dalalka si rasmi ah u mamnuucay ee sharciyo ka dejiyay la dagaalankiisa.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan