Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Xaqiiqooyin ku saabsan dagaaladii 1aad iyo 2aad ee dunida
Sub - German troops marching through occupied Warsaw during World War Two, Poland, circa 1939. (Photo by FPG/Getty Images)

Xaqiiqooyin ku saabsan dagaaladii 1aad iyo 2aad ee dunida

Himilo – Dunida waxaa soo maray dagaallo kale duwan, kuwo u dhaxeeyay qoomiyado, kuwo u dhaxeeyay boqortooyooyin, iyo kuwo dowlado u dhaxeeyay. Kuwii ugu saameynta badnaa waxaa ka mid ah labadii dagaal ee dunida; kii 1-aad iyo kii labaad.

Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay maadaama dagaallo kala duwan ay dunida soo mareen maxay tahay sababta labaadaasi dagaal u qaateen magacyada dagaalkii 1aad iyo midkii 2aad?

Tan koowaad: dagaaladaasi waxaa la sheegaa inay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee bini’aadamku isku laayaan tiknoolajiyad ay iyagu sameysteen, hubka noocyadiisa kala duwan, sababtaasi ayay u qaateen magacyada dagaalkii koowaad iyo kii labaad.

Sababta labaad ee taariikhyahannadu sheegaan in magacyadaas lagu  siiyay waxay u cuskadeen inay dagaaladaasi ka gudbeen goobihii ay ka billowdeen oo ay ku faafeen deegaano fog fog. Tusaale dagaalka waxa uu ka billowday qaaradda Europe kaddib waxa uu ku faafay Asia iyo Afrika, waxaana ugu danbeyn uu gaaray qaarada Ameerika, taasina waa sababta labaad ee taariikhahannadu sheegaan in dagaaladaasi ay ku qaateen magacyada loo yaqaan.

Dagaalkii 1aad ee dunida oo dhacay 1914-kii waxaa lagu sheegaa sababtii ugu weyneyd ee uu ku billowday dil loo geystay Amiir katirsanaa boqortooyadii Austria, Franz Ferdinand oo lagu dilay magaalada Sarajevo caasimadda  Bosnia, 28 June 1914-kii. Dilkaasi waxaa lagu eedeeyay Serbia. Boqortooyadii Austria ayaana weerar aargoosi ah ku qaaday Serbia sidaa ayuuna ku billowday dagaalkii koowaad.

Dagaalka waxaa galay laba xulafo oo kala duwan, waxaana kala hoggaaminayay Jarmalka iyo Ingiriiska. Afar sanno oo uu socday waxuu dhaliyey khasaaro naf iyo hanti leh,  waxaa dheeraa siyaasadda oo lagu kala foggaaday. Tusaale ahaan, khasaarihii nafeed ee uu horseeday dagaalka waxaa la wariyaa dalka Belgium-ka in sedddex maalin oo qura lagu dilay 11kun oo ruux, sidoo kale, waxaa ka dhacay barakac aad u xooggan oo qaaradda Yurub oo dhan saameeyey. Dhanka siyaasadda dowladii weyneyd ee Jarmalka ayaa ku jabtay.

Markii uu soo idlaaday dagaalkii 1aad waxaa la sameeyay midow urur 1919-kii, ujeedada ugu weyn ee loo sameeyay ayaa ahayd in uu ka hortago  in uusan dhicin dagaal labaad balse nasiib darro mar labaad ayuu dagaal dhacay, waa dagaalkii labaad ee dunida oo socday intii u dhaxeysay 1937 illaa 1945-tii, dagaalkaasi labaad waxaa la sheegaa in uu faa’iido wayn u ahaa qaaradda Afrika oo xilligaa ku jirtay gumeysi, dadkii Afrika laga qaaday ee dagaalka ka qeyb galay markii ay ku soo laabteen dalalkooda waxay bilaabeen dagaallo ay uga soo horjeedaan gumeystaha heysta dalalkooda.

Afrika-da madow dalkii ugu horreeyey ee xurnimo qaata wuxuu ahaa Ghana sannadkii 1957-kii. wixii ka dambeeyay dalal badan oo Afrikaan ah ayaa madax-banaani helay. Dagaalkii labaad ee dunida dhibaatooyinka ka dhashay ee aan la hilmaami doonin waxaa kamid ah ‘Dhalashadii Israel ee bariga dhexe, soo ifbaxii dagaalkii qaboobaa, qeyb-sankii Jarmalka ee darbigii Berlin,  dowladihii dagaalka ku guuleystay oo yeeshay codka qayaxan iyo aas-aaskii Qaramada Midoobay sannadkii 1945-tii.

W/Q: Cali Cabdulle Hillowle

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan