Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Nat Hines: 99 sanno jirka sida joogtada ah u adeegsada jirdhiska

Nat Hines: 99 sanno jirka sida joogtada ah u adeegsada jirdhiska

Himilo – Tan iyo dagaalkii Labaad ee dunida, Nat Hines waxa uu joogteeyay adeegsiga jimicsiga.

Hadda waa 99 sanno jir marka aad wejigiisa eegto kama muuqata da’diisa, waxa uu caddeeyay waxa keliya oo aad u baahan tahay si aad u guuleysato inay tahay sii wadidda jimicsiga.

Sarkaalkan waxa uu isbuucii ku leeyahay seddex maalin oo jirdhis ah isaga oo dharka jimicsiga iyo boorsada ku tega xarunta jiim ee uu aado.

“Qof ayaa i weydiiyay maalinta xigta, sidee si wanaagsan ugu socon doontaa? Balse waxaan u sheegay in aan sameynayo jimicsi!’’’ ayuu yiri Hines.

“Joogtey haggaajinta jirka, ha seexan wax badan, si lamid ah wax badan ha raaxeysan. Adeegso jirkaaga taasi waxay kaa caawineysaa in maskaxdu ay si wacan u shaqeyso,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sarkaalkan waxa uu kamid ahaa askartii dagaalkii Labaad ee dunida, isaga oo dabjirnnimadu qortay markii uu jirey 20 sanno. Waxa uu kamid ahaa ciidammadii Jarmalka markii uu dhammaaday dagaalkii Labaad ee dunida.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan