Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Marwo saygeeda ka dalbanaysa in uu dib ugu soo celiyo kelli ay ugu tabarucday!

Marwo saygeeda ka dalbanaysa in uu dib ugu soo celiyo kelli ay ugu tabarucday!

Himilo – Mafysh Ordogan oo ka soo jeeda Turkiga ayaa ka dalbanaysa saygeeda in uu dib ugu soo celiyo kelli ay u bixisay dhowr sanno kahor kaddib markii ay aragtay isaga oo khiyaanaya.

Lamaanayaasha ayaa isguursaday sannadkii 2006-dii iyada oo Mafysh ugu tabarucday saygeeda Axmed Ordogan kelli sida uu qoray wargeyska ka soo baxa Turkiga ee Suzco.

Bishii April ee sannadkii 2019-ka, Axmed ayaa la baxsaday gabar uu saaxiib la ahaa oo ku dhaw qoyska isaga oo ka tagay Mafysh iyo cunuggeeda 11 jirka ah.

Ms Mafysh ayaa ka soo muuqatay barnaamij telefishin oo caan ka ah Turkiga iyada oo ugu baaqday saygeeda in uu dib ugu soo celiyo kellideeda.

“Waxaan siiyay kellideyda, waayo waan wada nooleyn, waxaan ugu tabarucay markii waalidkiisa iyo walaalihisa intaba diideen inay u bixiyaan,” ayay tiri Mafysh Ordogan.

Axmed oo la soo xiriiray barnaamijka telefishin ayaa xaqiijiyay in uu xiriir jaceyl la sameeyay haweenay kale isaga oo yiri “ Ma habbooneyn inay iigu tabarucdo kellideeda xilligaasi.”

Sharciga Turkiga ayaa dhigaya in qofka uusan dalban karin in dib loogu soo celiyo xubin uu ku tabarucay haddii marka hore la marsiiyay hannaan sharci ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan