Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Mesut Ozil “ Arsenal way ku farraxsan tahay maamulka Mikel Arteta.”

Mesut Ozil “ Arsenal way ku farraxsan tahay maamulka Mikel Arteta.”

Himilo – Mesut Ozil ayaa qirtay in isaga iyo saaxiibbadiisa kale ee Arsenal ay ku farraxsan yihiin maamulka Mikel Arteta marka loo fiiriyo tababarihii ka horreeyay ee Unai Emery.

Gunners ayaa u magacawday Arteta in uu noqdo beddalka Emery bishii December ee tagtay isaga oo ku guuleystay seddex cayaar oo kamid ah 9 kulan tan iyo markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay.

Inkasta oo natiijadiisa ay isku milan tahay, haddana Ozil oo soo qaatay xilli adag maamulkii Emery ayaa dareemaya in Arsenal tahay mid hadda mideysan.

“ Koox ahaan, waan farraxsanahay, qof kasta waxa uu doonayaa in uu wax u qabto kooxda,” ayuu yiri Ozil oo ay soo xiganayso Sky Sports News.

Waxa uu intaa raaciyay “Si gaar ah, farsamo ahaan, waxaan sameynay isbadal, waxaan rajeynayaa mustaqbalka in aan gaarno guulo badan.”

Cayaaryahannada Arsenal ayaa hadda jooga Dubai oo ay ku qaadanayaan tababar kahor kulanka ay ka hor imaanayaan Newcastle United.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan