Home / Habka-Nolosha / Haweenay deris la noqotay Hitler oo ka hadashay cabsidii uu qabay hoggaamiyihii Naasiyiinta

Haweenay deris la noqotay Hitler oo ka hadashay cabsidii uu qabay hoggaamiyihii Naasiyiinta

Himilo – Alice Frank Stock oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa sheegatay inay deris la noqotay hoggaamiyihii Naasiyiinta Adolf Hitler mar ay degganeyd magaalada Munich ee Jarmalka.

Haweenayda ayaa u sheegtay wakaalada SWNS inay deris la ahayd Hitler oo ay wada daganaayeen wadada Prinzregent-Platz billowgii siddeetameeyadii qarnigii hore.

“Dabaqa, waxa uu lahaa labo meel oo laga soo galo, mid innaga ayaa adeegsan jirnay, midka kale ma xusuusto tirsigiisa laakiin waxaa ku noolaa Hitler,” ayay tiri Alice.

Waxay intaa raacisay “Waxaan arkay hal jeer, waxaan filayaa in uu labo jeer guriga ku soo laabtay.”

Iyada oo tilmaameysa cabsida uu qabay Hitler, haweenayda 101 jirka ah ayaa sheegtay in ciidamo gaar ah ay la socdeen markasta.

 “ Mar waxaan xusuustaa labo kamid ah ciidamadiisa gaarka ah ay u kala dhaqaaqeen dhinacyada wadada islamarkaana Hitler uu ku cararay guriga isaga oo naxsan oo ka baqaya in uu dilo qof innaga mid ah.”


About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan