Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Dhaqaale / Si aad u noqoto bilyaneer.. Ka billow tallaabada ugu horreysa jaamacadahan!

Si aad u noqoto bilyaneer.. Ka billow tallaabada ugu horreysa jaamacadahan!

Himilo – Haddii aad ku fekerayso in aad noqoto bilyaneer, waxaa lagaaga baahan yahay in aad raacdo tallaabooyinka bilyaneerada guuleystay. Waxaa kamid noqon kara tallaabooyinka in aad qaado dhabbahooda waxbarashada.

Barnaamijka Debut ayaa tixraac ku sameeyay sooyaalka qofeed ee 851 bilyaneer isaga oo soo helay liiska jaamacadaha ay ka baxeen dadka naftooda ku tiirsanaaday islamarkaana hantidooda gaarsiiyay balaayiin doolar.

Baaritaanka ayaa laga billaabay liiska bilyaneerada majaladda Forbes ee sannadkii 2019-ka iyada oo la ogyahay in 40% bilyaneerada dunida in aysan ka bixin jaamacado.

Haddaba waxaa halkan hoose ku xusan 13 jaamacadood oo ay ka baxeen qaar kamid ah bilyaneerada caalamka

1) Harvard University ( 51 Bilyaneer ayaa ka baxday)

2) Stanford University ( 34 Bilyaneer )

3) Harvard Business School ( 20 Bilyaneer)

4) Columbia University ( 16 Bilyaneer)

5) Southern California University ( 14 Bilyaneer)

6) Fudan University ( 13 Bilyaneer )

7) Moscow State University (13 Bilyaneer)

8) American University of New York ( 13 Bilyaneer)

9) University of California, Los Angeles, USA (12 Bilyaneer)

10) Cornell University ( 11 Bilyaneer )

11) Peking University ( 11 Bilyaneer )

12) American University of Pennsylvania ( 11 Bilyaneer)

13) Yale American University ( 11 Bilyaneer)

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan