Home / Macluumaad / Maqaal- Xiriirka ka dhaxeeya xannuunada ku dhici kara qofka iyo diinta

Maqaal- Xiriirka ka dhaxeeya xannuunada ku dhici kara qofka iyo diinta

Himilo – Cudur ama xannuun waa erayo muujinayo in jirka bani’aadamka uu ka jiro dhibaato hakad gelisa caafimaad qabkiisa, taasi oo qofka uu ka sheegto ama dhaqtarka uu ku arko markii bukaan ahaan uu ugu yimaado. Dhibaatada keentay jirrada waxay noqon kartaa mid ka timid qaab-dhismeedka xubin oo cillad soo gaartay ama shaqada xubintaas oo isbadal ku yimid.

Jirro kasta magacee rabto ha yeelato waxay leedahay astaamo dhowr ah oo lagu yaqaanno sida sababta keentay cudurka, calaamadaha qofka jirran lagu arko ama uu ka sheegto,isbadalka xubin ahaan, shaqo xubin ahaan sababta jirradaas iyo wixii la mid ah .

Iyada oo cilmiga jirrada uu ballaaran yahay qeybna uu ka yahay barashada culuumta caafimaadka ayaa waxaa shaacsan fekero ku aadan xiriirka u dhexeeya cudur ku dhicista qofka iyo diinta. Nuxurka aragtidan taageereysa fekerka ah inay isku xiran yihiin cudurrada qofka uu qaadi karo ama ku dhici kara iyo diinta uu aaminsanyahay waxay tahay in diinta oo ka kooban amarro iyo macluumaad ka hor istaagaya qofka in uu qaado cudurro haleelay dadka diintaas aan heysanin ama aan ku dhaqmin.

Majiraan goobo xaddidan oo loo tiirin karo aragtidan laakiin dhaqanka qaar ee bahda caafimaadka iyo tiro badan oo bulshada kamid ah ayaa ku hadla ama ku dhaqmo aragtidaasi.  Haddii aysan taas jirin maxaan ku sababeyn karnaa hadalada qaar ee tilmaamaya in xaaladaha niyad-jabka, cudurrada galmada ay ku dhacaan dadka kale ee naga duwan diin ahaan?

Sababta aragtidan aan u soo qaadanay ma ahan in dhinac aan ka istaagno arigtidan ee waa in maqaalkan uu noqdaa billowga dood saxi doonta xiriirkan oo ay dad badan ka saareen micnihiisa saxda.

Jirrada bini’aadamka ku dhacda waxaa loo qeybiyaa labo qeyb oo waaweyn. Labadaasi qeyb waxay kala yihiin jirro qofka uu ku dhasho (uurka hooyadii kala soo baxa) iyo jirro uu qaado dhalashadiisa kaddib. Qeybintan oo keliya lama isticmaalo markii la qeybinayo jirrooyinka hase yeeshee isla qeybintan waxay na tuseysaa in qaab u dhicista jirrada ay ka faro maran tahay diinta maadaama bini’aadamka qaar jirrada ay ku dhacdo xittaa iyaga oo wali dunidiiba aan ku soo biirin oo aysan kala caddeyn diinta qofka uu heysto.

Arrintan ma diidayso in dadyowga dunida  ku kala duwan yihiin cudurrada qaar oo xittaa mararka qaar ay saamyen ku yeelan karto u kala qeybsanaanta umadahaasi ee diimaha hase yeeshee tan la rabo in aan la gacan biddixeyn waxay tahay in diinta aysan ka midka aheyn waddooyinka jirka bini’aadamka ku yaallo ee jirrada uga soo dhex dusi karto sida wadada neefsashada ama wadada xubnaha taranka.  

Halkaa markii la taagan yahay waxaa qasab ah in la xaddido xiriirka ka dhexeyn kara jirro ku dhicista qofka bini’aadamka iyo diinta , waxaa jira labo arrin oo midna jirro u fududeeya u ah bini’aadamka  midna u ah jirro ka ilaaliyo ; jirro u fududeeyaha  waxaa kamid ah nadaafad xumm ada , saboolnimada , cunto xummada , dhaqan xummada iyo taxaddar xummada. Intaas waxay qofka ka dhigtaa in uu u nuglaado cudurro dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwa faafa iyo kuwa laga dhaxlo naafanimada.  

Dhinaca kale waxaa jiro jirro ka ilaaliye; waa koox xaalado ah oo qofka ka ilaalisa in uu ku dhaco cudur ama waxay u sahashaa ka soo kabashadiisa. Waxaa kamid ah nadaafadda fiican , dhaqanka dhowrsan , rajo ku-noolaanshaha , ehel ku taageera iyo foojignaanta. Intaas iyo inkale waxay ka mid yihiin waxyaabo dhowr ah oo diimaha ay dadka amraan ama ay kula taliyaan ku dadaalistooda, sidaas darteed diinta xiriirka ay la leedahay ku dhacista jirrada qof waa in qofka ay u noqon karto ilaaliye.

 W/Q:  Dr Abdi Naasir Shide ( dhaqtar iyo fallanqeeye arrimaha siyaasadda dalka )

Aragtida maqaalkan waxay gaar u tahay qoraha, kama tarjumeyso siyaasadda Radio Himilo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan