Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / Sacuudiga: Macallin ardaygiisa ugu tabarucay kelli

Sacuudiga: Macallin ardaygiisa ugu tabarucay kelli

Himilo – Tallaabo bini’aadanimo oo ka tarjumeysa naxariis, macallin u dhashay Sacuudiga ayaa ugu deeqay kelli mid kamid ah ardaydiisa isaga oo siiyay fursad uu ku noolaan karo kaddib sannado uu ardayga ka cabanayay kelyaha oo fariistay.

Sida uu qoray wargeyska Tawaasul ee ka soo baxa Sacuudiga, Axmed Bin Cali oo ku jira fasalka seddexaad ee dugsiga dhexe ayaa ka cabanayay kelyihiisa oo shaqadii gabay. Taasi waxaa u dheereyd isaga oo aan helin garab-istaag waalid maadaama uu Aabbihii ku nool yahay Mareykanka.

Qaraabada iyo ehelka Axmed ayaa wakhti badan geliyay sidii ay u heli lahaayeen qof ugu tabaruca kelli wiilka yar ee xannuunsanaya.

Sheekada bini’aadanimo ayaa billaabatay markii qoyska Axmed ay heleen wicitaan ka yimid macallin Xasan Bin Maxamed oo u sheegay in uu doonayo in uu ugu tabaruco ardaygiisa mid kamid ah kellidiisa.

Labadii billood ee ugu danbeysay, Axmed iyo Xasan ayaa labaduba maray qalliin lagu hubiyay isqaadashada xubnahooda iyada oo lagu guuleystay howgalka qalliin ee Axmed loogu tallaalay kellida.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan