Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Sancho oo si aan rasmi aheyn u tilmaamay kooxda uu ku biirayo

Sancho oo si aan rasmi aheyn u tilmaamay kooxda uu ku biirayo

Himilo – Laacibka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa si aan rasmi aheyn u xaqiijiyay in uu ku biirayo Manchester United xagaagan sida ay tilmaameen warbixinno.

20 jirka ayaa kamid noqday cayaaryahannada ay kooxo badan doonayaan kaddib bandhigiisa wanaagsan ee ol-olaha 2019-2020 isaga oo dhaliyay 14 gool islamarkaana caawiyay 16 kale 23 kulan oo Bundesliga ah.

Manchester United ayaa loo arkaa inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa laacibka inkasta oo Chelsea iyo Liverpool lala xiriiriyay.

Si kasta, marka la eego Irish Independent, Sancho ayaa si gaar ah u xaqiijiyay in uu ku laaban karo magaalada Manchester isaga oo aan xiiso u qabin in uu dib ula midoobo Manchester City.

Qandaraaska Sancho ee Dortmund ayaa dhacaya 2022-ka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan