Home / Arrimaha Bulshada / Maxay dadka aragga la’ uga maqal fiican yihiin dadka kale?

Maxay dadka aragga la’ uga maqal fiican yihiin dadka kale?

Himilo – Dadka beela aragga xilli hore ayaa leh dareen maqal oo ka wanaagsan dadka kale sida ay muujiyeen baaritaanno badan.

Iyada oo sidaasi tahay, khubarada ayaa in muddo ah ka shaqeynayay inay gartaan sababta iyada oo la baarayao maskaxda.

Daraasad dhawaan dhalad ah ayaa muujisay in isbadallo uu ku imaanayo shaqada maskaxda qofka aragga la’ iyadoo siineysa awood dheeraad ah oo la xiriirta dareenka maqalka.

Khubaro katirsan jaamacadda Oxford ayaa kormeer ka hayay dad naafo ka ah aragga tan iyo dhalashadooda. Waxay oggaadeen baarayaasha in awoodda ka imaaneyso aqoonsiga dhawaqyada kala duwan oo ay gartaan dadka aragga la’.

Kelly Chang oo diyaarisay baaritaanka ayaa xustay in qofka aragga leh uusan ku tiirsaneyn maqalka halka qofka aragga la’ uu kaashto keliya dareenkaasi.

 “Tani waxay na siineysaa aragtida ah in isbadal uu ku imaanayo maskaxda qofka marka uu waayo aragga,” ayay tiri Kelly.

Ion Fain oo ku taqasusay cilmi nafsiga ayaa sheegay in baaritaanka uu yahay kii ugu horreeyay ee daaha ka qaada isbadalka ku dhacaya qeybta maqalka ee maskaxda qofka aragga la’.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan