Home / Cayaaro / Chelsea oo xiiseynaysa weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner

Chelsea oo xiiseynaysa weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner

Himilo – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayso saxiixa weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner.

Inkasta oo ay kamid tahay kooxaha daneynaya cayaaryahanka Jarmalka ah haddana Liverpool ayaa kaga horreysa Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa 24 jirka.

Sida laga soo xigtay 90 min, Chelsea ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqaan laacibka haddii kooxda tababare Jurgen Klopp ay ka baxdo xiisaha Werner.

Inkasta oo cayaaryahanka reer Jarmal si weyn loola xiririiyay garoonka Anfield, haddana xannuunka safmarka ee Karoona ayaa wax badan ka beddalay suuqa kala iibisiga.

Si kasta, The Independent ayaa soo warinaya in Liverpool ka go’an tahay saxiixa weeraryahanka kahor bilaabashada ol-olaha soo socda.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan