Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Bruno Fernandes oo qaadanaya tababaro dheeraad ah

Bruno Fernandes oo qaadanaya tababaro dheeraad ah

Himilo – Bruno Fernandes ayaa qaadanaya tababaro dheeraad ah kahor inta aysan dib u soo laaban cayaaraha bisha soo socota.

Cayaaryahanka reer Portugal ayaa sameeyay bandhig wanaagsan seddexdii billood ee ugu horreysay cayaaraha horyaalka Ingiriiska illaa markii danbe la hakiyay horyaalka sabab ku qotanta xannuunka safmarka ah ee Karoona.

Fernandes ayaa ku soo laabtay tababar yar toddobaadkii hore markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso iyada oo hoggaamiyaasha horyaalka rajeynayaan in cayaaraha dib loo billaabo bartamaha June.

Si uu isugu diyaariyo cayaaraha, 25 jirka ayaa ka qeyb galaya tababaro dheeraad ah oo aan aheyn kuwa kooxda.

Fernandes ayaa dhaliyay lix gool sagaal kulan oo uu u saftay Manchester United.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan