Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Japan oo heshay hab ay Diidiimadu kaga gudbi karaan dhabbayaasha tareennada

Japan oo heshay hab ay Diidiimadu kaga gudbi karaan dhabbayaasha tareennada

Himilo – Dadka reer Japan ayaa iskaga imaanaya inay xal u helaan dhimashada Dii-diinka oo marwalba oo ay doonayaan inay gudbaan dhabba-bireedyada tareenka ay ku dhintaan.

Waxaana jira dhowr kiisas oo diin badan ay ugu wax-yeeloobeen marista waddooyinka tareenka. Hadda waxaa jira dadaal ay horbaadayaan Waaxda  West Japan Railway Co kaas oo looga golleeyahay in la yareeyo shilalka ay la kulmaan diidiimadu marka ay gudbayaan dhabbaha tareenka.

Caadiyan diidiimadu waxay maalinle uga soo baxaan hoygooda si ay u raasdsadaan calafkii ay cuni lahaayeen. Taasina waxay ku qasabtaa mararka qaar inay ka gudbaan waddooyinka tareenku maro.

Dhowr toddobaa kaddib dadaalkii loo galay badbaadintooda, hadda waxay si badbaado leh uga gudbi karaan dhabbayaasha tareenka. Waxaana loo sameeyey qeyb ka hooseysa biraha uu tareenku ku dul socdo si ay ugu dhex galaan marka uu tareenku gudbayo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan