Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Waa maxay mustaqbalka goolhaye Kepa ee Chelsea?

Waa maxay mustaqbalka goolhaye Kepa ee Chelsea?

Himilo – Goolhayaha Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa la soo warinayaa in uu sii joogayo garoonka Stamford Bridge xagaagan.

Cayaaryahanka reer Spain ayaa ku jiray kursiga keydka inta badan xilli cayaareedkan kahor inta aan la hakin cayaarayaha horyaalka sabab la xiriirta xannuunka safmarka ah ee Karoona.

Chelsea ayaa la tilmaamay inay isha ku heyso goolhayaha Ajax Andre Onana si beddal looga dhigo Kepa laakiin marka la fiiriyo xaaladda dhaqaale ee hadda taagan, kooxda Ingiriiska ayaa ku qasban inay wax ka beddasho siyaasadeeda suuqa.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Chelsea ayaa rumeysan in aysan heli doonin koox habboon oo laga iibin karo Kepa, sidaa darteed, 25 jirka ayaa sii joogaya horyaalka Ingiriiska.

Kepa ayaa ku guuleystay in uu shabaqiisa ilaaliyo 6 jeer 25 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan