Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Haweenka / Gabadha labada midab ku leh labada wiil ee indhaha!

Gabadha labada midab ku leh labada wiil ee indhaha!

Himilo – Internet-ka waxaa ku jira sawiro qurux badan oo soo jiidan kara dareenkaada, balse 11 jir lagu magacaabo Amina Ependieva, sawirkeedu waa mid gooni ah.

Waa gabar u dhalatay dalka Jejniya ee hoos-taga Dhulweynaha Ruushka, waxaana ay labadeeda indhood kala leeyihiin laba midab oo soo jiidasho leh. Waxaana markii ugu horreysay sheekada daah-rogay sawir-qaade Jejniya u dhashay. Wuxuuna soo dhigay bartiisa Instagram-ka. Aaalaba sawirada uu soo geliyo waxay heli jireen celcelis dhan 1,000.

Hayeeshe, sawirada Amina Ependieva ayaa helay in ka badan 10,000 oo likes. Waxaana ay soo jiidatay dad badan oo qaarkood ay ku adkeyd in rumeystaan inay sawirkani qof nool laga soo qaaday iyo in kale.

Halka qaar kale ay amaan iyo bogaadin ka bixiyeen sawiradeeda.

Si kastaba, xaaladda sababtay kala duwanaanshaha labadeeda indhood ayaa la sheegay inay tahay mid dhif ah oo ka dhalata albinism iyo heterochromia.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan