Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Koox Ingiriis ah oo heshiis ammaah ku dooneysa Coutinho

Koox Ingiriis ah oo heshiis ammaah ku dooneysa Coutinho

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir kala sameysay Barcelona suurtagalnimada saxiixa Philippe Coutinho oo ay ku dooneyso heshiis ammaah ah.

Coutinho ayaa xilli cayaareedka 2019-2020 ammaah kula jooga Bayern kaddib markii 18 billood oo aan guul aheyn uu ku sugnaa Camp Nou.

Bayern ayaa shaacisay toddobaadkii hore in aysan dooneyn in heshiis rasmi ah ka saxiixdo kubad sameeyaha reer Brazil. Si kasta, taasi waxay ka dhigeysaa in cayaaryahanka uu raadiyo koox cusub.

Kooxo badan ayaa isha ku haya xaaladda Coutinho iyada oo Arsenal dooneyso in heshiis rasmi ah kula wareegto laacibka.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Tottenham ayaa ku war-gelisay Barcelona inay la soo socodsiiso isbadallada la xiriira mustaqbalka laacibka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan