Home / Macluumaad / Sawirro — Siyaasi gaarigii uu jeclaa ka dardaarmay in lala duugo!

Sawirro — Siyaasi gaarigii uu jeclaa ka dardaarmay in lala duugo!

Himilo – Siyaasi u dhashay dalka Koofur Afrika oo dhintay toddobaad kahor ayaa lala aasay gaarigiisa Mercedes limousine si loo fuliyo dardaarankiisa.

Tshekede Bufton Pitso, oo ah hoggaamiyihii hore ee United Democratic Movement (UDM) ayaa ku dhintay shil gaar isaga oo ku jira safar gaaban. Waqti waxaa soo maray uu lahaa dhowr gaari oo nuuca raaxada ah, laakiin sannadihii danbe wuxuu noqday ceyr fara maran. Waxaana uu ku socon jiray gaariga uu hadda shilka ku galay.

Wuxuu aad u jeclaa gaarigiisa, heer waliba uu gaaray inuu reerka kala dardaarmo in marka uu dhinto lala duugo.

Toddobaad kaddib dhimashadiisa waxaa loo fuliyay dardaarankiisa. Waxaana lala aasay gaarigiisa.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan