Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Maxaa Xaasle ku kalifaya inuu Dacwad ka gudbiyo Google Map?!

Maxaa Xaasle ku kalifaya inuu Dacwad ka gudbiyo Google Map?!

Himilo – Saxaafadda Hindiya ayaa tebinaysa sheekada nin dacwad ka gudbiyay shirkadda Google qeybteeda ‘goobeynta’ Google Map – isaga oo yiri: “Waxay noqotay aalad ay xaaskaygu igu raadgurto mar kasta oo aan guriga ka baxo.”

R Chandrasekhar, oo 49 jir ah ayaa sheegay in afadiisa iyo isagu ay halis ugu jiraan inay guurkoodii soo jiray gu’aal badan uu ku danbeeyo furriin.

Wuxuu yiri: “Application-ka Your Timeline inta ay so degsatay ayay marwalba waxay su’aalaysaa halka aan ku suganahay.”

Wuxuu sheegay in Google Map uu xittaa meelo aanu weligiiba cagta saarin inuu ku tilmaamay inuu ku sugan yahay.

Wuxuu yiri: “Xaaskaygu qof walba oo qoyska kamid ah way aamini la’dahay, waxay kaliya ku kalsoon tahay waxa uu Google Map usoo qoro. Qadyaan ayaana runtii arrintan ka joogaa.”

Macadda haddii Shirkadda Google ay si dhab u qaadan doonto cabashada uu kasoo gudbiyay muwaadinkan Hindiya ku nool.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan