Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Deegaan / 8 June- Maalinta caalamiga ee badweynta

8 June- Maalinta caalamiga ee badweynta

Himilo – Maalinta badweynta dunida waxaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay 8-dii bishii June sannadkii 1992  shir ka dhacay magaalada Rio de Janeiro oo barbar socday shirkii Qaramada Midoobay ee deegaanka iyo horumarinta (UNCED) kaasi oo noqday fursad ay ururada aan dowliga aheyn ku cabbiri karaan aragtidooda ku saabsan arrimaha deegaanka.

Qaramada Midoobay ayaa u asteysay 8-da June inay noqoto maalinta badweynta caalamiga ah. Dalal badan ayaa xusa maalintan tan iyo sannadkii 1992-dii kaddib shirkii Qaramada Midoobay ee deegaanka iyo horumarinta.

Maanta oo kale, waxaa loo arkaa fursad kor loogu qaadi karo fahamka caalamiga ah ee ku saabsan faa’iidada bini’aadamka uu ku qabo badaha waaweyn iyada oo la iftiiminayo mas’uuliyadda la xiriirta ilaalinta nafleyda ku nool.

Dhacdooyinka kala duwan ayaa lagu qabanayaa ku dhawaad 15 dal oo dunida ah. Waxaa ujeedku yahay in la muujiyo khatarta ku socota badweynta iyo sida ay muhiim ugu tahay nolosheenna.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan