Home / Cayaaro / Neymar oo aan wali ka rajo dhigin ku laabashada Barcelona

Neymar oo aan wali ka rajo dhigin ku laabashada Barcelona

Himilo – Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Neymar ayaa wali rajo ka qaba in uu ku laabto Barcelona inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Cayaaryahanka reer Brazil ayaa si weyn loola xiriiriyay in uu u dhaqaaqi karo Cam Nou kahor ol-olaha 2019-20 laakiin Barcelona wax heshiis ah lama aysan gelin kooxda horyaalka Ligue 1

Doonista Barcelona ee cayaaryahanka Inter Milan Lautaro Martinez iyo saameynta dhaqaale ee xannuunka Karoona ayaa meesha ka saartay fursadda kooxda si ay dib ula soo wareegto Neymar.

Si kasta, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, 28 jirka ayaan ka quusan in uu ku laabto kooxda reer Catalan kahor ol-olaha 2020-21

Neymar ayaa soo bandhigay qaab-cayaareed wanaagsan xilli cayaareedkan laakiin waxaa jiray dhaawacyo gaaray. Waxa uu dhaliyay 18 gool isaga oo caawiyay 10 kale 22 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Qandaraaska da’yarkii hore ee Santos ee kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa ku eg June 2022.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan