Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Caafimaad / 14 June – Maalinta caalamiga ee dhiig-ku-deeqista

14 June – Maalinta caalamiga ee dhiig-ku-deeqista

Himilo – Taariikhdu waa in kor loogu dhigaa wacyiga la xiriira muhiimadda dhiig ku deeqista iyo in dadka lagu dhiirri-geliyo inay bixiyaan, isla markaana looga mahad-celiyo kuwa dhiiga bixiya sida ay u badbaadiyaan nolosha Aadanaha shardi la’aan.

Waxaa la qiyaasaa in haddii 1% dadyowga dal walba oo dunida kamid ah ay bixiyaan dhiig, taasi ay ku filnaan lahayd daboolista baahida ay dhiig ku shubista u qabaan.

Sanadkan Maalinta Caalamiga ee Dhiig Bixinta oo sanad kasta la xuso 14 bisha June, halkudhegga sannadkan waxaa kamid ah: “Dhiig bixi isla markaanna dunida ka dhig goob caafimaad leh”.

Sooyaal ahaan, maalintan waa markii uu dhashay Karl Landsteiner oo ahaa ninkii kala dhig-dhigay qeybaha dhiiggu u kala baxo.

Waa maalin diiradda lagu saaro dhiig ku deeqista habboon xaaladaha kadiska ah. Ol’olaha waxaa hormuud ka noqota Hey’adda Caafimaad Adduunka WHO.

Waxaa sii kordhaya tiro lagu qiyaasay 11.6 malyuun oo dhiig deeqayaal ah kuwaasi oo ku nool dunida dacalladeeda. Kala bar kamid ah ayaana ku nool dalalka dakhligoodu sarreeyo, laga soo bilaabo 2008 to 2015, wadar ahaan 78 dal ayaa 90% helay samafalayaal aan dhiiggooda doorsan wax lacag ah sida ay shaacisay ha’yadda caafimaadka adduunka WHO.

Labka wuxuu dhiig ku bixin karaa saddexdii biloodba mar – 12 isbuuc, halka dhedigtuna ay ku bixin karto afartii biloodba mar – 16 isbuuc.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan