Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Sidee ayay tahay in aan xil isaga saarno ballanta?

Sidee ayay tahay in aan xil isaga saarno ballanta?

Himilo – Ilaalinta ballantu waa lagama maarmaan. Waa arrin la isku raacsanyahay oo la wada ogolyahay goob kasta iyo dhaqan walba oo adduunka ka jira. Si dadku ugu wada shaqeeyaan si hagaagsan oo meelmar ah, waxaa lamahuraan ah in la ilaaliyo balanta.

Ballanta la ilaaliyaa waxay keentaa in dadku isaaminaan, isku tiirsanaadaan oo ay kalsooni badan isku qabaan. Ilaalinta ballantu waxay kale oo ay kor u qaaddaa niyad samaanta, waxayna dhiirigelisaa isku tiirsanaanta iyo firfircoonida, Faa’iidooyinka iyo waxtarka  ballanta la oofiyaa waa wax aad u ballaaran, mudanna in la aqoonsado oo tixgalin weyn la siiyo. Oofinta iyo ilaalinta ballanta si weyn ayaa loogu xusay diinta Islaamka.

Aayaad iyo Axaadiis badan ayaa ku soo arooray arrintaa. Aayadda caanka ah ee ku bilaabata: Wa uufuu bil cahdi innal cahda kaana masuulaa iyo xadiiska sida weyn loo xigto ee isna ku bilaama: Kulukum raacin wa kulum mas’uul can raaciyatihi ayaan ka bid ah naska faraha badan ee ina faraya inoona  muujinaya sida lagamaarmaanka ay u tahay ilaalinta iyo oofinta ballantu.

Kolkaa waa caddahay wax mugdi ahna kuma jiro in ilaalinta ballantu ay tahay mas’uuliyad muhiim ah oo xisaabtan iyo isweydiin ka imaan karaan haddii la dayaco ifka iyo aakhiro labadaba.

Aayadda iyo xadiiska  kor lagu xusay waxay muujinayaan in ciqaab iyo carro Ilaahay ka dhalan karaan haddii la dayaco ballanta. Waayo waa gaf weyn oo la mid ah gafafka iyo dambiyada ka dhalan kara kolka la gudan waayo waajibaayada diinta Islaamka saldhigga u ah oo ay ugu horreeyaan salaadda iyo soonku.

Waxaa haddaba la isweydiin karaa arrinta culayskaa iyo muhiimaddaa leh ma la fududaysan karaa ama ma la dhayalsan karaa? Jawaabtu waa maya. Qofku markuu ballanta dayaco ama oofin waayo iyadoo aanu hayn cudurdaar la qaadan karo, waxaa la aamini karaa ama la fahmi karaa in qofkaasi yahay qof aan la isku hallayn karin. Waxaa loo fahmi karaa qof aan tixgelin iyo qadarin muujin. Qof aan garwaaqsanayn dhibaalka uu geystey. Kalsoonidii ayaa meesha ka baxaysa. Aaminaadda, tixgelinta, wada shaqaynta iyo wanaag kale oo badan oo dadka isku soo dhaweeya ayaa wiiqmi kara. Isjecleysiiya ayaa yaraanaya ama la waayi karaa. Isnacayb, kala didid, kala dudid iyo waxyaabo kale oo taban ayaa kaalin weyn ka geli kara xiriirka dadka u dhaxeeya. Waxyaabahaasi ma aha kuwo la doono ama lagu dadaalo inay meesha yimaadaan.

Kulan kasto oo ay dad Soomaaliyeed iskugu yimaadaan hadalka ugu horeyo ee lagu furo waa raali galin ah ‘waqtigii aan ugu tala galnay in aan billowno waan ka dib dhacnay hanalaga raali ahaado ama aan si kale u dhehee ‘dadka waqtiga dheer inoo fadhiyey waxaan ka raalli galineynaa dib u dhaca naqabsaday’.

Waxaa astaan ama hal-qabsi noo noqotay waqtiga lagu ballamiyo saacad ayaa dib looga dhacaa, oo la macno ah saacaddii lagu ballamiyey midda ka dambeysa tag, waa dardaaranka inta badan ay dadku kuu sheegayaan marka aad wargeliso in aad ballan leedahay, waa dhaqan roggan oo ku faafay dhaxdeenna.

Tusaale ahaan xafladdii ugu dambeyse ee aan ka qeyb galay waxay aheyd xaflad aflixid arday, waxaa la i soo gaarsiiyay warqaddii casuumaadda ‘Invitation’ oo ay ku qoran tahay 8:00am inay billaabaneyso howsha meesha loo tagayo balse waxaa la bilaabay 10:19am iyadoo weli dadkii la filayey inay meesha ka hadlaan qaarkood ay maqanyihiin.

Waxaan si cad ugu xad-gudubnay diinteenna oo meel weyn ka istaagtay illaalinta ballamaha. dabeecad ayaana ka dhiganey dhaqankan.

W/Q: Cali Cabdulle Hillowle

Radio Himilo

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan