Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Dhaqaale / 50 jir labo jeer ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ku kacaya $4,000,000

50 jir labo jeer ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ku kacaya $4,000,000

Himilo – Dad badan ayaa leh nasiib fure u noqda inay ku guuleystaan abaal-marino qaali ah ama ay kaga gudbaan xaalado adag oo nolosha ah sida Mark Clark oo labo jeer ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ku kacaya 4 Milyan oo doolar.

Sida laga soo xigtay warbaahinta CNN-ka, Mark oo ka soo jeeda gobalka Michigan ee Mareykanka ayaa ku guuleystay bakhtiyaa nasiib lagu qiimeeyay 4 Milyan oo doolar labo jeer oo kala duwan.

Isaga oo la hadlayay shabakadda Mareykanka ayuu yiri “ Dad badan ma rumeysna in mar qura lagu guuleysan karo Malaayiin doolar, maxaad u maleynaysaa haddii labo jeer dhacdo taasi?

Sheekada ninkan ayaa u laabaneysa sannadkii 2017-kii markii isaga oo shidaalka ka iibsanaya goob uu sidoo kale qaatay tikit bakhtiyaa nasiib ah. Mar danbe ayaa la shaaciyay in uu yahay qofka ku guuleystay 4 Milyan oo doolar.

Dhacdadaasi kaddib, Clark ayaa mar kale iibsaday tikit kale oo uu ku noqday guulestaha rasmiga ah. Waxaa sidoo kale uu qaatay 4 Milyan oo doolar.

Mr Clark oo 50 jir ah oo la weydiiyay waxa uu ku sameynayo lacagta ayaa sheegay in uu gelinayo maal-gashi si gaar ah kalluumeysiga oo uu xiiseeyo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan