Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Diego Simeone oo ka hadlay sida Griezmann uu ugu dhibtoonayo Barcelona

Diego Simeone oo ka hadlay sida Griezmann uu ugu dhibtoonayo Barcelona

Himilo – Tababaraha Atletico Madrid ayaa sheegay in uu la yaabay in cayaaryahankiisii hore ee kooxda Antoine Griezmann uu soo galay kulankii xalay ee Barcelona iyo Ateltico daqiiqadihii ugu danbeeyay.

Diego Simeone ayaa sheegay in uusan heyn erayo uu dareenka arrintaasi ku cabbiro; waa in daqiiqado kooban laga siiyo Griezmann kulanta muhiimka ah.

Griezmann ayaa soo galay cayaarta daqiiqadii 90aad oo beddal lagu keenay kulankii ku soo dhammaaday 2-2.

Laacibka ku guuleystay koobka adduunka sannadkii 2018-ka ayaa Barcelona ka iibsatay Atletico billowgii xilli cayaareedkan. Heshiiska ayaa ku kacaya adduun dhan €120 million (£108m/$134m)

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan