Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Laba Maxbuus oo – kahor intaanay baxsan -Xabsi ku dhaafay Warqad ku saabsan sababta baxsigooda.

Laba Maxbuus oo – kahor intaanay baxsan -Xabsi ku dhaafay Warqad ku saabsan sababta baxsigooda.

Himilo – Saxaafadda Talyaaniga ayaa tebinaysa sheekada laba maxbuus oo ku xirnaa jeelka Rebibbia kuwaas oo – kahor inta aanay ka baxsan xabsiga – ku dhaafay warqad ay ku muujinayaan sababta ay u baxsanayaan. Waxay sidoo kale balanqaadeen inay kusoo laaban doonaan laba toddobaad kaddib.

Labada maxbuus oo la kala yiraahdo Davad Zukanovic, 40 iyo Lil Ahmetovic, 46, ayaa halgan adag oo dheer kaddib ku guuleystay inay banaanka uga soo baxaan xabsiga, laakiin sheekada la yaabka leh waxay tahay inay sabab u yeeleen baxsashadooda.

Labada nin oo walaalo ah waxay sheegeen inay soo xaliyaan xaalad ka dhex jirta qoyskooda, balse ay ku soo laaban doonaana xabsiga durba marka ay kasoo dhammaadaan xalinta mushkiladdii ku qaaday inay baxsadaan.

Muddo 15 cisho ah ayay qabsadeen inay kusoo laabtaan gudaha xabsiga, balse macadda haddii ay fulin doonaan balanka ay qaadeen iyo in kale.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan