Home / Cayaaro / Quique Setien: Antoine Griezmann wuu fahamsan yahay xaaladiisa Barcelona

Quique Setien: Antoine Griezmann wuu fahamsan yahay xaaladiisa Barcelona

Himilo – Tababaraha Barcelona Quique Setien ayaa sheegay in xiriirka kala dhaxeeya Antoine Griezmann in uusan saameyn ku laheyn kulankii kooxdiisa iyo Atletico Madrid oo laacibka beddal lagu keenya daqiiqadihii ka danbeeyay 90-ka.

Griezmann ayaa la soo warinayaa in uu bartilmaameed u yahay Arsenal kahor suuq furanka xagaaga laakiin Setien ayaa shaaciyay in wadahadallo fiican la yeeshay weeraryahanka.

” Wuu fahansan yahay xaaladiisa, waayo waxa uu leeyahay waayp-aragnimo, waa xirfadle aan caadi aheyn, ” ayuu yiri Quique Setien

Tababaraha Atletico Madrid ayaa dhawaan sheegay in uu la yaabay in cayaaryahankiisii hore ee kooxda Antoine Griezmann uu soo galay kulankii adkaa ee Barcelona iyo Ateltico daqiiqadihii ugu danbeeyay.

Diego Simeone ayaa sheegay in uusan heyn erayo uu dareenka arrintaasi ku cabbiro; waa in daqiiqado kooban laga siiyo Griezmann kulanka muhiimka ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan