Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Habka-Nolosha / Lammaane 30 Sanno oo ay is-qabeen kala qeybsan jiray masruufka guriga!

Lammaane 30 Sanno oo ay is-qabeen kala qeybsan jiray masruufka guriga!

Himilo – Dood adag ayay dhalisay sheekada lammaane Shiinees ah kuwaas oo 30-kii sannadood oo ay is qabeen ku kala qeybsaday masruufka reerka.

Dad badan waxay la tahay in marka ay lammaanuhu xiriir wadaagga yihiin ay hadba inta karaankooda ah isku siiyaan shuruud la’aan – iyada oo inta badan midna uusan kan kale uusan ku tala-gelin inuu baahidiisa oo dhan kaafiyo. Balse marka la joogo nolosha guurka wax walba waxay ka yimaadeen seyga, waxaana si siman u wadaaga dhammaanba xubnaha uu qoysku ka kooban yahay.

Hayeeshe taasi mid ka duwan waxaa kusoo dhaqmi jiray labadan lamaane oo la yiraahdo Mr. Chen iyo Mrs. Chen. Waxa yaabka leh ayaa ah in xittaa raashiinka sida ukunta ay kala tirsadaan marka iyada oo xirmo is-qabta ah lasoo iibiyo.

Firinjiyeerka ugu keydsan dhammaanbaa raashiinka, wuxuu u kala leeyahay qeybo ay kala dhigtaan nuuca cunnada ay gaarka u kala karsadaan.

Sababtii ay ku timid dhaqankan qariibka ah waxaa dib loogu celiyaa seyga oo ay afadiisu ku sheegtay inuu ahaa kaligii-cune aan ka xishoon inuu wax u hambeeyo.

Waxay tiri: “Markii aan arkay sida cirweynida leh oo uu iila dhaqmayo, waxaan go’aansaday inaan kala qeybsanno masruufka iyo xittaa cunnada marka guriga lasoo dhigo.”

“Waxaan rabay inaan dareensiiyo sida ay u foolxun tahay in hunguri la kala jecleysto.”

Isaga oo ka hadlaya sida ay afadiisu dareento marka uu firinjiyeerka aadayo si uu wax ugala soo baxo, wuxuu yiri: “Mararka qaar waxay ka shakisaa haddii ukun ay iyada leedahay aan ka karsaday ama aan u dhacay qeybteeda si aan wax uga cuno.”

Sheekadooda oo aad ugu baahday baraha bulshada, waxa laga bixiyay aragtiyo kala duwan. Halka dadka qaar ay ku tilmaameen wax maanku diido, in kale ayaa isku dayay inay tahay xal u tahay cirweynida ninka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan