Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Macluumaad / Wax ka ogow inta jeer oo Xajka uu baaqday!
Muslims pray during the Laylat al-Qadr, or Night of Power, the holiest night for Muslims, while practicing social distancing, following the outbreak of the coronavirus disease (COVID-19), during the fasting month of Ramadan, at the Grand Mosque in Mecca, Saudi Arabia May 19, 2020. Saudi Press Agency/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. TPX IMAGES OF THE DAY

Wax ka ogow inta jeer oo Xajka uu baaqday!

Himilo – Sucuudiga ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqay in sannadkan ay Xajka iyo Cumrada u ogolaanayaan dadka ku sugan gudaha Sucuudiga.

Tiro aad u kooban oo kamid ah jinsiyadaha kala duwan ee ku sugan waddanka ayaa gudan doona acmaasha Xajka – iyaga oo kasoo xarmanaya isla gudaha Sucuudiga, ayaa lagu yiri warqoraal oo lasoo dhigay barta twitter-ka.

Sannadkii hore waxaa Xajka usoo dareeray in ka badan 2.5 milyan oo Muslimiin ah kuwaas oo isaga kala yimid dunida daafaheeda.

Go’aanka ayaa yimid bilooyin dhowr ah oo laga dhursugaayay sida sannadkan laga yeeli doono Xajka.

Balse ma ahan markii ugu horreysay oo Xajka loo baajiyo sabab caalami ah sida cudurro iyo wixii soo raaca.

Sannadkii 930 AD markii firqada Ismaaciliyah oo kamid ah Shiicada ay weerar kusoo qaadeen Makka – iyaga oo u arkaya inay tahay camal aan diini ahayn – waxaa la baajiyay xajkii sannadkaas.

Sannadkii 1048 A.D oo dunida uu ku baahday macluul iyo abaaro waxaa mar kale la baajiyay Xajka.

Faafitaanka cudurka Koleeraha oo qarnigii 19aad ku baahayay adduunweynaha ayaa sidoo kale keenay in Xajka baaqdo sannadihii 1837 iyo 1846.

Sannadkii 2012-2013, Sucuudiga ayaa ugu yeeray dadka da’da ah inaysan soo aadin Xajka xanuunkii MERS ee Bariga Dhexe ka dilaacay awgiis.

Sannadkii 2014, Sucuudiga ayaa Xajka ka mamnuucay waddamada Galbeedka Afrika kuwaas oo uu ku baahayay xanuunkii Ebola.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan