Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Man United oo wali rajeynaysa saxiixa Jadon Sancho

Man United oo wali rajeynaysa saxiixa Jadon Sancho

Himilo – Manchester United ayaa rajeynaysa in ay xaqiijiso heshiis ay la gaarto Borussia Dortmund si ay ula soo wareegto Jadon Sancho kahor dhammaadka suuq furanka xagaaga.

Sabab la xiriirta saameynta dhaqaale ee uu reebay Karoona, waxaa la soo warinayaa in Man United aysan diyaar u aheyn inay bixiso lacag ka badan £50m oo ay ku dooneyso laacibka reer England.

Si kasta, sida laga soo xigtay Duncan Castles of The Transfer Window Podcast, Dortmund ayaa ku dooneysa £100m cayaaryahanka 20 jirka ah.

Sancho ayaa hadda heysta qandaraas labo sanno ah taasi oo dhigeysa Dortmund boos ay ku qiimeynayso mustaqbalka cayaaryahanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan