Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Willian oo iska diiday in uu ku biro Inter Miami

Willian oo iska diiday in uu ku biro Inter Miami

Himilo – Cayaaryahanka kooxda Chelsea Willian ayaa diiday fursad uu ugu biiri lahaa Inter Miami marka uu qandaraaskiisa Stamford Bridge dhaco.

31 jirka ayaa la filayaa in uu ka tago Chelsea dhammaadka xilli cayaareedkan isaga oo ku guuldareystay in loo kordhiyo heshiiska.

Willian ayaa la rumeysan yahay in uu doonayo seddex sanno oo loogu daro heshiiska uu kula joogo kooxda ka dhisan magaalada London laakiin tani waxay ka hor imaaneysaa siyaasadda kooxda ee ku saabsan cayaaryahannada da’dooda ka weyn tahay 30-ka sanno.

Kooxo badan sida Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan laacibka reer Brazil. Sida uu qoray The Telegraph, kooxda Beckham ayaa u soo bandhigtay cayaaryahanka heshiis lacag badan ah.

Si kasta, Willian ayaa la soo warinaya in uu iska diiday heshiiskaasi isaga oo aaminsan in uu macno ka smaeyn karo Yurub.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan