Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Man City oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Ferran Torres

Man City oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Ferran Torres

Himilo – Manchester City ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa cayaaryahanka kooxda Valencia Ferran Torres xagaaga.

City ayaa galeysa suuqa kaddib markii laga qaaday xannibaadii labada sanno ee koobka Yurub, taasi oo sidoo kale xoojineysa niyadda cayaaryahannada.

Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in uu xoojiyo safka koowaad ee kooxdiisa iyada Man City isu diyaarineyso tartanka horyaalka xiga.

Marca ayaa soo warineysa in Torres uu kamid yahay cayaaryahannada liiska ugu jira Pep Guardiola xilli qandaraaska 20 jirka uu dhacayo xagaaga soo socda.

Torres ayaa dhaliyay lix gool isaga oo sameeyay toddobo caawin 42 kulan oo ah dhammaan tartamada xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan