Home / Maalmaha Caalamiga / 15 July – Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada

15 July – Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada

Himilo – 15 July sannad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhalinyarada si loo weyneyno doorka da’yartu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaaalaha ee wadamadooda.

Ujeedada ugu weyn ee maalintan ayaa sida wacyiga door ahaaneed ee awoodda dhalinyarada kaga aadan horumarinta dalalkooda loo kor yeeli lahaa.

Xuska maalinta waxaa lagu qabtaa meelo badan dunida kamid ah. Waxaana talo ahaan loogu yeeraa dalalka heysta kheyraadka dhalinyarada inay ka faa’iidaystaan xooggooda.

Balse dal kasta ma ahan mid sidii la rabay uga faa’iidaysta kheyraadka xirfadyaqaannada da’yartiisa. Si kale marka loo yiraahdana, furayaasha lagu xaqiijiyo horumarrada ay ku tallaabsadeen dalalka horumaray, waxaa mar kasta dib loogu celiyaa sidii ay u maal-geliyeen aqoonta iyo hibada ku jirta dhalinyaradooda.

Micno ahaan, xirfadaha dhalinyarada waa siinta aqoon iyo tababar ku filan da’yarta si ay u qaabilaan howlgalka loo carbinayo inay ku meel-mariyaan soo saarista is-baddalka looga fadhiyo – iyada oo isla mar ahaantaana loo diyaarinayo inay isku filnaadaan dhaqaale ahaan.

Farsamada gacantu waa mid kamid ah ilaha aasaasiga u ah horumarrada ay gaareen dunida Galbeedka. Markii dunidu baratay sida loola falgalo birta waxay sidoo kale ahayd markii lagu baraarugay xirfad-u-yeelista jiilkii waqtigaas taas oo abuurtay hannaan isku dheelli-tiran oo wax soo saar ballaaran ku fadhiya. Ugu yaraan taas waa kolkii uu billowday Kacaankii Warshadaha ee Yurub ka hanaqaaday qarnigii 18aad.

Waayo shaqo u sameynta jiilalka soo koraya waxay jawaab u noqotay helidda kobac dhaqaale iyo horumar sugan oo ay illaa iyo maanta hayaan Galbeedku. Waloow xaqiiqda ah sida dheelli ugu yimid dardartii horumar ahaaneed ee waagaas aysan maanta in badan sii muuqanin. Tanina waxaa loo aaneynayaa tiradii da’yar ee ninka cad ee berigaas oo ku filnayd buuxinta ilaha lagu kobciyo kaabayaasha nolosha oo aan maanta sii jirin in badan.

In kasta oo aan si dhab ah loogu tiirin karin goorta iyo halka ay Soomaalideennu kala timid liidista xirfadaha qaar, haddana waa caadyaal in gumeystuhu qeyb weyn ku lahaa inaynan ku baraarugin qiimaha ay leeyihiin farsamooyinka gacanta. Haddii sheekada tibaax ahaanta la iskugu weriyo ee tilmaanta in Talyaaniga uu Soomaalida kala diriray inay ka caaganaadaan cunista Muuska – waayo waxay ka qaadayaan calool xanuun – ay halheyskeenna ku jirto, maxaa diidaya inuu sidoo kale naga dhaadhiciyay inaan ka fogaanno howlaha bir tumista iyo farsamooyinka kale ee gacanta?!

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan