Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Deegaan / La kulan: Ninka 40 sanno ku bixiyay nooleynta keymaha la xaalufiyay!

La kulan: Ninka 40 sanno ku bixiyay nooleynta keymaha la xaalufiyay!

Himilo – 83 sano jir lagu magacaabo Antonio Vicente wuxuu 40-kii sano ee lasoo dhaafay uu ku howlnaa dib u tarminta keymaha deegaanka. Sida badan oo xoola-dhaqatada Brazil ay u jaraan geedaha si ay xeyn-daab uga dhigaan xerooyinka iyo inay guryo ku dhistaan, wuxuu u hal-gamay in taranta geedaha la dabar-jaro uu soo nooleeyo.

Maanta dadaalkiisa waa laga abaal-naqay, maadaama dhul dhan oo la dul-maray uu dib geedo ugu tallaalayay muddo dhan 40 sano. Waxayna noqotay mid qurux badan oo ay dib ugu kulmeen duur-joog fara badan.

Waxay aheyd sanadkii 1973 markii Antonio uu horay ugu qaaday tallaab uu dib ugu tarminayo keyn cabbir ahaan dhan 31-hectare oo loo idleystay daaqsinta xoolaha.

Wuxuu dakhliga kooban ka helay dowladda oo ka gacan siisay qalab casri ah oo si sahlan wax-beerista ku habboon. Waxa ugu weyn oo uu ku niyad fiicnaa waa inuu arko dhulkan oo mar labaad keyn isku roga.

“Waxaa tahay doqon. Geed abuuris waa waqti lumis. Maheli doontid dakhli. Haddii ay wada geedo noqoto halkan, mahelaysid meel aad ku ilaashato lo’daada ama wax ku beerato,” Antonio deriskiisa oo wada xoolo-dhaqato ah ayaa u sheegi jiray.

Nabaradda gaaray halkan ayuu ogaa inay tahay mid aan loo bareeri karin in lagu sii dhaqmo oo kaliya – ilaa iyo in wax lagu biiriyo. Wuxuu isla markaas indhaha ku hayay xaaluf ku aadan deegaanka oo ay ku wadaan dadka deriska la’ ah kuwaas oo naftoodu kala weynaatay nooleynta deegaanka ay ku dul nool yihiin. Wax walbana waxay ahaayeen gabaabsi ku yimid xaalufka ba’an ee lagu hayo. Ila biyoodkuna way sii engegayeen.

“Waxaan ahaa carruur. Dadka leh xaafaddana waxay jari jireen geedaha si ay dhuxul uga sameystaan ama dhul caws leh oo ay daaqsadaan xoolaha,” ayuu dib u xusuustay. “Waxaan maleynayaa: biyuhu waxay ahaayeen qaali. Qofna muusan qodin il biyood. Dadku way le’an kareen la’aantiis.”

Sidaas darteed, wuxuu har iyo habeenba u howl-galay inuu dib u dhireeyo keynta. 40-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuu beeray 50,000 geedo ah taas oo hadda hoy iyo gabaadba u wada ah noole badan oo ay kamid yihiin duur-joogta – Ugaar iyo Dugaagba.

Markii keymuhu koreen, biyuhu way soo noqdeen. Antonio wuxuu sheegay hadda inay jiraan ku dhawaad 20 ilo biyood oo aan waqtigaas jirin. Xooluhuna waxay bilaabeen inay nolol ka sameeyaan. Maanta keynta waxaa ku nool cayayaanno iyo shinbiro kala jaad ah.

“Haddii aad i weydiiso – waa kuma qoyskaada, waxaan ku dhihi lahaa mid kasta oo halkan ku beeran, waayo waxaan ka wada beeray iniin kaliya,” ayuu yiri 83 jirkan.

Dadaalka Antonio ee ilaalinta iyo tarminta deegaanka waa sheekooyinka dhifka ah ee maanta laga helo deegaanka dunida.

Warbixin ayaa tilmaantay in ku dhawaad 8,000 hectares oo kamid ah keymaha Brazil la dabar-jaray intii u dhaxaysay August 2015 iyo July 2016. Tani waxay ka dhigaysaa tallaabta Antonio mid wax yar ka qaban karta dhibta muuqata.

Hayeeshe qiyaas haddii aynu helno tiro isaga oo kale ah, kuwaas oo aad u daryeelaya biyaha, hawada iyo dhirta in ka badan lacagta, siduu deegaanka Soomaalida u ekaan karaa muddo kooban gudihiis?!

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan