Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Arsenal £13.6m ku dooneysa cayaaryahanka katirsan Sporting Lisbon

Arsenal £13.6m ku dooneysa cayaaryahanka katirsan Sporting Lisbon

Himilo – Arsenal ayaa £13.6m ku dooneysa garabka kooxda Sporting Lisbon Joelson Fernandes.

17 jirka ayaa ka soo baxay akaadeemiyadda kooxda isaga oo noqday cayaaryahankii ugu da’da yaraa ee kulan ku soo billowda.

Kooxo badan sida Barcelona iyo Juventus ayaa la rumeysan yahay in ay la socdaan weeraryahanka laakiin warbaahinta Portugal ee Channel TVI 24 ayaa soo warineysa in Arsenal ay u dhaqaaqday Fernandes.

Qandaraaska Fernandes ayaa wakhti uu ka harsan yahay iyada oo Sporting dooneyso in ay ka saxiixdo heshiis cusub.

Si kasta, cayaaryahanka da’da yar ayaa diidan in uu qalinka ku duugo heshiis cusub xilli Arsenal rajo ka qabto saxiixiisa.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan