Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Man City oo dooneysa saxiixa Dani Ceballos

Man City oo dooneysa saxiixa Dani Ceballos

Himilo – Manchester City ayaa xiiseynaysa saxiixa cayaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

23 jirka ayaa ammaah ku jooga Arsenal ol-olaha 2019-20 isaga oo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiyay labo kale 35 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Qandaraaska khadka dhexe ee Emirates Stadium ayaa ku eg bisha soo socota, sida la filayana, waxa uu ku laabanayaa garoonka Bernabeu xagaaga danbe.

Ceballos kuma jiro liiska cayaaryahannada uu ku xisaabtamayo tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane.

Sida laga soo xigtay Diario Madridista, Man City aya isha ku heysa isbadallada ku saabsan cayaaryahanka oo ay dooneyso saxiixiisa.

Qandaraaska Ceballos ee Bernabeu ayaa ku eg dhammaadka xagaaga 2023-ka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan