Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Inter Milan oo ceshan karta Sanchez

Inter Milan oo ceshan karta Sanchez

Himilo – Inter Milan ayaa sheegtay in ay ceshan karto cayaaryahanka Alexis Sanchez oo kooxda ku jooga ammaah si looga saxiixo heshiis rasmi ah sida laga soo xigtay madaxa fulinta kooxda  Giuseppe Marotta.

31 jirka ayaa Inter ku biiray xagaagii hore isaga oo markii hore ku dhibtooday in uu bandhig wanaagsan ka sameeyo kooxda.

Man United ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in ay fasaxdo Alexis Sanchez iyo Chris Smalling oo ammaah uga maqan illaa dhammaadka Europa League.

Labada cayaaryahan ayaa heshiis ku-meel-gaar ah ugu biiray Inter Milan billowgii xilli cayaareedkan.

Sida qorshaha yahay, cayaaryahannada ayaa ku laabanaya Manchester United kaddib maalinta ugu danbeysa ee horyaalka Serie A oo ku asteysan 2-da August, taasi oo ka dhigan in aysan ka qeyb qaadan Karin kulamada ka harsan Europa League.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan