Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!
Home / Cayaaro / Man United oo yareynaysa xiisaha Grealish si ay diiradda u saarto Sancho

Man United oo yareynaysa xiisaha Grealish si ay diiradda u saarto Sancho

Himilo – Manchester United ayaa hoos u dhigtay xiisaha kabtanka Aston Villa Jack Grealish si ay diiradda u saarto Jadon Sancho.

Grealish ayaa ka caawiyay Aston Villa in aysan dib ugu laaban horyaalka Ingiriiska maalintii ugu danbeysay ee xilli cayaareedkan.

Sidaa darteed, Villa ayaa u sheegtay Man United in ay ku dooneyso laacibka adduun dhan £80m si ay u fasaxdo.

Manchester United ayaa diidan inay bixiso £110m oo ah dalabka lacageed ee cayaaryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Sancho ayaa si weyn loola xiriiriyay Man United oo ku qasban inay oggolaato lacag badan kaddib markii ay u soo gudubtay Champions League.

Si kasta, sida laga soo xigtay Duncan Castles of The Transfer Window Podcast, Dortmund ayaa ku dooneysa £100m cayaaryahanka 20 jirka ah.

Sancho ayaa hadda heysta qandaraas labo sanno ah taasi oo dhigeysa Dortmund boos ay ku qiimeynayso mustaqbalka cayaaryahanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan