Home / Deegaan / Dhibaatada iyo halista xilliyada roobka ka curto geyigeenna

Dhibaatada iyo halista xilliyada roobka ka curto geyigeenna

Himilo – Tilmaamaha laga bixiyo aragtida dhiiqada iyo wasaqda xilliyada roobku curto waxay u muuqdaan inaysan kala fogeyn. Dadka oo la qabsaday iyo maalmaha yar ee dhiiqada iyo uskaga ka dhasha oo in yar kaddib ku idlaada oogada dusheeda ayaa ka dhigtay in mowduuca dhiiqada iyo wasaqda xilliyada roobka aan aad loo faaqidin.

Wax caadi ah ayay iska noqotay in marka uu roob da’o dadku ay la qabsadaan waqtiyada adag ee soo fool leh. Mana ugu yimaado lama filaan. Waxay og yihiin sidan oo kale inay usoo joogeen sanado badan. Sidaas darteedna aysan ahayn wax adag in lala qabsan waayo.

Taniyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka ilaa iyo maanta, marka laga soo tago dadaallada kooban ee bilowga ah, majiro jid kamid jidadka xaafadaha iyo waddooyinka magaalada oo aan dhiiqoobin mar allaale marka uu roobku hooro.

La noolaanshaha dhiiqada iyo wasaqda waqtiyadan oo kale, looma wada sinna ee waa loo kala daran yahay. Halka dadka qaarkiis aysan si guud u dareemi karaan saameynta ka dhalata roobabka, waxaa jira in kale oo la nool caqabadda laftigeeda. Waddooyinka oo u badan kuwa kala sarreeya ama lakab ahaan kala leh tag iyo hoobad ayaa keenta in jidadka qaar aan la helin meel laga maro.

Waxa la yaabka leh oo mararka qaar laga marag-kacay ayaa ah in laba cid oo iska soo horjeeda ay heli waayeen jid ay isku soo maraan. Waxaa taas kasii daran in cido badan ay halis u yihiin in biyaha roobka ay guryaha ka dumiyaan. Dhacdooyin gudahood, waxaa la ogaaday inay jiraan qoysas badan oo biyuhu gudaha ugu fataheen kuwaas oo maalin iyo ka badan ku qaata inay iska saaraan ama celiyaan daadka yar ee kusoo jabay.

Runtii tani waa arrin aad looga walwalo. Qashinka iyo wasaqda oo xilliyada roobku dhiiqadu soo saddexeeyo waxay qatar caafimaad ku tahay dhammaan bulshada. Waxayna waddo cusub u furaysaa dhalashada cudurro hor leh sida Duumada iyo kuwa biyaha wasaqooba ka dhasha.

Tusaalayaasha xoojin kara dhibaatadeeda waxaa laga xusi karaa sida carruurtu meelaha biya-galeenka ah sida jidadka godan ay ugu dhex dabaashaan xareedda dhiiqadaysan ee roobka. Maalmaha kooban ee biya-fadhiisigu fursad lagu dabaasho u yahay carruurta, waalidiin badan oo aan wacaal u heynin halkay ilmahoodu jiraan, ayaa habeenkii dareema qarqaryo iyo diif.

Biyaha xareedda ee dhulka u dhamaanaya, waxay dhabtii murugo u tahay noolaha kale ee ina Aadan kamid yahay oo dhibic biyood ay dhuunta ku qooyaan kaga badbaadi kara harraad iyo oon.

Mana ahan oo kaliya xaafadaha iyo deegaannada, xattaa xarumaha ganacsiga iyo suuqyada, dhiiqadu waxay noqotay mushkilad mararka qaar keensata hakad ku yimaada isku socodka iyo kala gooshka gaadiidyada. Qof walba oo suuqa u danaysta mafilayo inuu lasoo laaban doono muuqaalkii uu saakay kaga tagay aqalkiisa. Waxa aadka looga xumaado ayaa ah sida aan looga faa’iidaysan dhibicda roobka, hayeeshe il u noqoto caafimaad-darrida iyo faya-dhowrka deegaanka.

In kasta oo tani ay tahay mushkilad laga wada dheregsan yahay saamaynta ay ku leedahay dhaqdhaqaaqa, haddana waxaa jira dadaallo aan yool fog iyo tabaabusho hore lahayn oo lagula tacaalo.

Carra-tuurka lagu kuuso ardaaga hore ee guryaha waa qaab kamid ah hababka bulshadu kaga hor-tagto mushkiladda. Xattaa xarumaha ganacsiga qaar ee ku teedsan jidadka, waxay qaadaan tallaabtan oo kale.

Sameynsashada iyo dhufeys-ciid la iska mooso biyaha, waxay mar kasta hal dhinac ka istaagaysaa xalka mushkiladda. Waxa ka dhigay inay lasoo rakaadmato roobka ayaana ah inay u baahan tahay dadaal aan kaliya loogu howl-gelin qof iyo qof – balse dhammaan qeybaha bulshada.

In la howl-geliyo biya-dageennada ay biyuhu ku hooraan iyo jabinta dhufeys-ciideedka cid walba ay gurigeeda kahor samaysatay – iyada oo jidka ka dhaxeeya lagu shubayo  kaabado ciid ah lagana dhigayo mid isla siman, waxay jawaabtii loo baahnaa u noqon kartaa biya-fariisadka iyo dhiiqada ka dhalata xilliyada roobka.

Haddii mid kasta oo innaga mid ah uu dib u raaco taariikhda Muslimiintii hore iyo sida nimcada roobka looga faa’iidaysan jiray, ugu yaraan waa la curin karaa ilbaxnimo ku salaysan adeegsiga habboon ee kheyraadka biyaha iyo ilaalintooda.

Haddiise aynan dhab u dhaqan-gelin murtida Soomaaliyeed ee tiraahda; biyo dhul lagu arag, lagana dhowr; manoqon doonto waxa la dheereysto in nimcada roobku ay niqmo lagu rafaado ku noqon doonto dadka iyo deegaanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan