Home / Cayaaro / PSG oo Liverpool kaga hormareysa saxiixa Thiago Alcantara

PSG oo Liverpool kaga hormareysa saxiixa Thiago Alcantara

Himilo – PSG ayaa dooneysa in ay kaga hormarto Liverpool saxiixa khadka dhexe ee Bayern Munich Thiago Alcantara.

29 jirka Thiago Alcantara ayaa mar kale noqday cayaaryahan muhiim u ah kooxda Jarmalka ah xilli cayaareedka dhammaaday isaga oo ka soo muuqday 36 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil. Qandaraaska laacibka reer Spain ee Allianz Arena ayaa dhacaya bisha June ee soo socota.

Warbixinno dhawaan soo baxay ayaa muujiyay in Liverpool ay wadahadallo la yeelatay Bayern si ay ula soo wareegto Thiago Alcantara.

Sida laga soo xigtay Sport, kooxda heysta horyaalka Yurub ayaa rukumatay boos ay kula wareegi karaan cayaaryahanka qaranka Spain.

Bayern ayaa la soo warinayaa inay cayaaryahanka ku dooneyso adduun dhan €35m (£31.6m).

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan