Home / Cayaaro / Wijnaldum oo wali wadahadallo ka sugaya Liverpool

Wijnaldum oo wali wadahadallo ka sugaya Liverpool

Himilo – Liverpool ayaa la soo warinayaa in aysan wali cayaaryahanka khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kala hadlin qandaraaskiisa Anfield.

Wijnaldum ayaa soo bandhigay in uu yahay cayaaryahan muhiim ah tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray sannadkii 2016-ka isaga oo ka soo muuqday 186 kulan.

Si kasta, iyada oo qandaraaskiisa ay ka harsan tahay muddo sannad ah, ma cadda laacib Netherlands in uu soo sii joogayo kooxda heysata horyaalka Ingiriiska.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, wakiilka 29 jirka ayaa wali wadahadallo ka sugaya Liverpool.

Liverpool oo lagu dhalleeceeyay in aysan u furneyn suuq furanka xagaagan ayaa la rumeysan yahay in aysan fasaxi doonin Wijnaldum.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan