Home / Cayaaro / Thiago Alcantara oo heshiis afar sanno ah u saxiixaya Liverpool

Thiago Alcantara oo heshiis afar sanno ah u saxiixaya Liverpool

Himilo – Cayaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Thiago Alcantara ayaa la soo warinayaa in uu oggolaaday in uu u dhaqaaqo Liverpool.

Iyada oo qandaraaskiisa uu ka harsan yahay wax ka yar sannad, Thiago ayaa diyaar u ah in uu ka tago Allianz Arena isaga oo u wareegaya horyaalka Ingiriiska.

Illaa iyo immika, Liverpool wali ma aysan kula heshiin Bayern qiimaha laacibka.

29 jirka Thiago Alcantara ayaa mar kale noqday cayaaryahan muhiim u ah kooxda Jarmalka ah xilli cayaareedkan isaga oo ka soo muuqday 36 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil. Qandaraaska laacibka reer Spain ee Allianz Arena ayaa dhacaya bisha June ee soo socota.

Warbixinno dhawaan soo baxay ayaa muujiyay in Liverpool ay wadahadallo la yeelatay Bayern si ay ula soo wareegto Thiago Alcantara.

Bayern aya la soo warinayaa inay cayaaryahanka ku dooneyso adduun dhan €35m (£31.6m).

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan