Home / Macluumaad / Nin gacantiisu ku jebiyay 29 taargo muddo hal daqiiqo ah

Nin gacantiisu ku jebiyay 29 taargo muddo hal daqiiqo ah

Himilo – Nin kasoo jeeda magaalada New York ayaa jebiyay rikoorkiisa dhacdooyinka dunida markii uu gacantiisa u adeegsaday jebinta 29 xabo oo taargada baabuurta ah muddo hal daqiiqo.

Bill Clark ayaa horey u dhigay rkoor uu ku jeebiyay 23 xabbo oo taargooyin ah sannadkii 2018, wuxuusa habeenkii Khamiista ee isbuucii tegay jebiyay 29 xabo.

Clark ayaa sheegay in hay’adda Guinness ay isaga u yeertay si uu u jebiyo rikoorkiisa isla markaana lacagaha kasoo xarooda loogu deeqo hay’adda Make-A-Wish Foundation.

“Xaqiiqdu waa markii ay ila soo xiriirtay Guinness, run ahaantii anigu ma aanan dooneynin in aan sidaa sameeyo, laakiin saddaqada iyo wax waliba oo kale ayaan u go’aansaday in haddii la sameyn lahaa ay noqon laheyd wax wanaagsan,” ayuu Clark u sheegay WBNG-TV.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan