Home / Cayaaro / Ciro Immobile oo heshiis kordhin u sameeyay kooxdiisa Lazio

Ciro Immobile oo heshiis kordhin u sameeyay kooxdiisa Lazio

Himilo – Ciro Immobile ayaa kooxdiisa Lazio u saxiixay qandaraas shan sanno ah.
Xiddiga xulka qaranka Italy ayaa ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta qaaradda Yurub xilli ciyaareedka 2019-20, kaddib markii horyaalka Serie A ka dhaliyay 36 gool 37 kulan oo uu saftay.

30-jirkaan wuxuu kooxdiisa Lazio ka caawiyay in ay ku dhammeystaan kaalinta afaraad ee horyaalka iyaga oo shan dhibcood ka danbeeyay kooxda horyaalka hanatay ee Juventus.

Lazio waxay maanta oo Isniin ah barteeda Twitterka ku xaqiijisay in Immobile uu heshiis kordhin uu kooxda kula sii joogayo ilaa 2025 , taasi oo ay u badan tahay in uu kooxda ku dhammeysan doono xirfaddiisa ciyaareed.

Immobile waxa uu dhaliyay 103 gool 142 kulan oo uu Lazio u ciyaaray horyaalka tan iyo markii uu kusoo biiray sannadkii 2016.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan