Home / Deegaan / Xaqiiqooyin ku saabsan Australia

Xaqiiqooyin ku saabsan Australia

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Australia, waxay isku tahay waddan iyo qaarad. Bedka dhulkeeda waa 7,741,220 km labo jibbaaran. waxay fidsan tahay qaaradda ay  wadato magaceeda iyo jasiiraddo kale oo ku xeeran. Canberra  waa caasimadda iyo magaalada ugu weyn. Luuqad rasmi ah ma alaha balse English ayaa loo tixgaliyaa luuqad qaran.

 Lacagta laga isticmaalo waxaa la yiraahdaa Australian dollar (AUD). Ma laha xad dhuleed balse waxaa ku wareegsan  Indonesia, Papua New Guinea , East Timor iyo New Zealand. waa dalka 6aad ee ugu ballaaran caalamka. Masas ugu halista badan ayaa laga helaa. Muslimiintu waxay ka yihiin 3.0% oo u dhiganta 740,000 oo ruux.

Manco ahaan ereyga Australia waa ‘dhulkii koofureed’. Australia waxaa kale oo loo yaqaanaa caasimada ciyaaraha adduunka – sababtoo ah isbuuciiba ugu yaraan hal ciyaar ayaa lagu qabtaa magaalooyinkeeda.

Tirada  dadka  Australia  waxay gaartay 25.50 milyan marka laga qiyaas qaato 2020.  Waa waddanka keliya ee laga helo xayawaanka Kangaroo – oo ah astaanta qaranka – waxa uu ka badan yahay tirada dadka.

Waa waddanka 3aad ee ugu hormarsan noloshada marka laga tusaale qaato tayada nolosha, daryeelka caafimaad, fursadaha waxbarasho, iyo kuwa dhaqaalaha. Haddii aad joogto Australia waxaa kuu suuragaleysa inaad 27 sano maalin kasta booqato jasiirad cusub – waxaa ku yaal in ka badan 10,000 oo xeeb.

About Ahmed Haadi

error: Copy lama Ogola Fadlan