Home / Arrimaha Bulshada / Taiwan: Tirada Xayawaanada guri joogga ah ayaa ka badan tan caruurta

Taiwan: Tirada Xayawaanada guri joogga ah ayaa ka badan tan caruurta

Himilo – Marka aad mareyso wadooyinka caasimadda dalka Taiwan ee Taipei layaab ma ah inaad aragtid dad baabuurta lagu kaxeeya caruurta ku sida xayawaanada dab joogta ah sida Eyda iyo Bisadaha.

Sida uu daabacay The Guardian, tirada xayawaanada la rabbaayadeysto waxey ka badan yihiin caruurta ku nool dalkaasi yar ee ku yaala koofur-bari aasiya, oo waxey tiradoodu ku dhaw dahay 3-milyan, sida lagu xaqiijiyay tirakoob la sameeyay rubucii hore ee sanadkan 2020-ka.

Mareegta PetFoodIndustry oo tirakoobkan sameysay ayaa sheegtay in tiradaasi laba jibbaar ka badan tahay tirada caruurta da’doodu ka hooseyso 14-ka sano ee ku nool Taiwan, in xaalku sidaasi noqdaan-na wax shil ah ma ahayn balse waxaa dhiirigaliyay dowladda oo ogolaatay in caasimadda laga sameeyo hoteelo iyo maqaayado ay ka canteen karaan xayawaanadaasi.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa hoos u dhacay taranka bulshada oo intii u dhaxeysay sanadihii 2016-19 waxaa la dareemay hoos u dhac dhan 6%.

Sida ay warisay Taiwan News, waxaa yaraanshiyaha tartanka bulshada loo aaneynayaa dhaqanka liidaya guurka ruuxa shisheeyaha ah, haweenka oo aanan helaynin fasax umul bax iyo nuujin oo ku filan oo lagu daray guno hooseeysa oo la siiyo marka ay dhasho hooyadu.

Sheekadaani kuma koobna oo kaliya dalka Taiwan ee waxaa shaxda kula jira Japan iyo Mareykanka oo tirada xayawaanada la rabbaayadeyso ay ka badan yihiin caruurta ku nool wadamadaasi.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan