Home / Cayaaro / Barcelona oo ka gaabisay xiisaha ay u hayeen Adama Traore

Barcelona oo ka gaabisay xiisaha ay u hayeen Adama Traore

Himilo – Barcelona ayaa la werinayaa in ay soo idleysay xiisihii ay u hayeen laacibka  Wolverhampton Wanderers garabka uga ciyaara ee Adama Traore.

Xiddigan ayaa afar ciyaarood u saftay kooxda reer Catalan da’yartooda, Traore waxa uu sameeyay horumar la taaban karo oo uu kusoo bandhigay Molineux.

Laacibka qaranka Spain ayaa wadaxaajood muddo kordhin ah kula jira kooxdiisa si uu isaga sii joogo Premier League.

Warar ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Barcelona ka xiisa dhigtay dalabka ay ka gudbiyeen xiddigan kaasi oo ay rabeen 24 sanno jirkaan in ay dib ula midoobaan si uu beddel suuragal ah ugu noqdo Lionel Messi.

Laba sanno iyo bar ayaa ugu haray qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa, Wolves ayaa aaminsan in xiddigan ku iibin doonto ugu yaraan £18 milyan oo Gini.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan