Himilo — Sannad kasta 27 June waxaa loo dabaal-degaa xuska Maalinta Ganacsiyada yaryar iyo kuwa heer-dhexaadka ah si kor loogu dhigo wacyiga muhiimadda iyo kaalinta ganacsiyada meel dhexaadka ah ay ka ciayari karaa la kulmidda Qorshaha horumarinta joogtada ee QM.
Waxaa jira jaadad iyo nuucyo ay ganacsiyada yaryari ka koobmaan. Waxaana qeyb ka ah wax-soo-saarka yaryar iyo qeybinta adeegyada fudfudud. Ganacsiga waxaa si guud loogu sii kala jajabiyaa hadba mugga iyo inta ay la’eg tahay lacagta lagu maal-gelinayo iyo helidda qalabka iyo xoogga shaqaalaha.
Marka loo eego qiyaas dhawaangal ah, in ka badan 95% ganacsiyada dunida waxay xooggooda ka koobmaan kuwa yaryar iyo qaar meel dhexaad ah. Shirkadaha ku howlan ka gacansigoodana waxay wax soo saarka guud ee ganacsiyada gaarka loo leeyahay ka yihiin 60%. Waxaa intaas dheer, ganacsiyadani waxay 50% ka yihiin dakhliga guud ee dal walba.
Sannadkii 2015-ka, Kal-fadhiga Guud ee QM ayaa horumariyay 17 yoolal caalami ah oo loogu yeeray Ahdaafta horumarinta joogtada ah. Ujeedooyinka laga lahaa yoolashani waa in lagu guuleysto musatqbal xasiloon kana hagaagsan joogadeenna maanta.
QM ayaa rajaynaysa in horumarinta joogtada ah lagu yareyn doono saboolnimada baahaysa ee dunida saddexaad badi ka jirta, sare-u-dhigga tayada caafimaadka iyo bedqabka, aqoon heer sarraysa, sinnaanta lab iyo dhedig, helidda biyo iyo degaan nadiif ah iyo kobaca shaqooyinka iyo shaqa-abuurka.
QM ayaa rumeysan in ganacsiyada yaryari ay qeyb libaax leh ku yeelaan karaa kobcinta qorshaha horumarinta fog ee ka jira dalalka soo koraya. Marwalba oo kobacaasu sii adkaadaba, ganacsiyada yaryari waxay bilaabayaan inay door lama huraan ka ciyaaraan wax soo saarka warshadaha madaama ay kordhayso baahida loo qabo adeegyada ay bixiyaan, waxaa kale oo isla mar ahaantaana soo muuqanaya fursado shaqo iyo dakhli maalinle ah.
Hey’ado dhowr ah Xarunta Ganacsiga Caalamka, ILO, hey’adda horumarinta warshadaha QM ee UNIDO iyo World Bank ayaa qabta xus iyo munaasabado lagu weynaynayo wax-ku-oolnimada maalintan.
Bishii April 6, sannadkii 2017 aaya si kastaba, Kal-fadhiga QM uu meelmariyay qaraar 27 June loogu asteeyey maalinta caalamiga ah ee ganacsiyada yaryarka ah iyo kuwa meel-dhexaadka ah. Waxaana durba hirgaliyay 54 dal oo dunida ah kuwaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 bilyan oo dad ah. QM ayaa Xarunta Ganacsiga Adduunka u magacowday inay hoggaamiso ol’olaha dabaal-degga maalintan.
Qore: Zaki Hiraale.